Make your own free website on Tripod.com


Codka SEPADO

Somali Environmental Protection and

Anti Desertification Organisation

Hay’ada Badbaadinta Bey’ada iyo la daqaalanka lama degaanka Somaaliyeed

Issue 4, September, 1996

Awooda Cadeedu Ma Bedeli kartaa Dhuxusha la Shito "Solar Energy"?

Waxaa dhowaan lagu qabtay magaalada Harere ee dalkaasi Simbaabwi, Shirkii ugu horeeryey ee lagaga wada hadlayo raadinta ilo awoodeed cusub "New sources for Renewable energy". Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen dhamaan dawladaha caalamka ayaa waxaa qaarada Afrika aad loogu dhiiri geliyey isticmaalka ileyska awood cadceeda.

Afrika oo qoraxda hesha sanadka oo dhan ayaa si toosa uga faa’iidaysan karta awooda ileyska cadceeda oo afka galaad loo yaqaan "Solar Energy". Waxyaabaha sida tooska ah loogu isticmaali karo Ileyska qoraxda waxaa ka mid ah.

  1. Ceelasha biyaha oo lagu xidho riig ku shaqeeya ileyska qoraxda.
  2. Laydhadhka magaalada iyo tuulooyinka , weliba kuwa wadooyinka magaalada.
  3. Kijooyinka makhaayadaha iyo guryahaba , taas oo bad baadinaysa lacag fara badan oo ku bixi lahayd dhuxul aakhirkana keenta in dhirtu samato baxdo.
  4. Dhakhtarada, masaajidyada, iskuulada , hudheelada IWM ayaa ina heli kara awood joogto ah.

Inkasta oon faa’iidada ileyska qoraxda la soo koobi karin, hadana waxaa ugu mihiimsan:

Waa bilaash oo mana dhamaanayso umana baahna kharash lagu soo saaro.

Dayac tir uma baahna waayo malaha mishiin dhaqdhaqaaqaya "mechanical parts". Si dhib yar ayaa loo rakibi karaa umana baahna farsamo yaqaano aad u khibrad dheer.

Bey’ada iyo caafimaadka guud oo aanay wax yeelo u lahayn sida naaftada iyo gaaska oo kale. Sepado, waxaa wada hadal u furmay SolarNet oo ah shirkad aqoon dheer u leh adeegsashada ileyska cadceeda , waxaana la dersayaa sidii loo bilaabi lahaa barnaamijyo ah noocaas.


 

Ilaalinta Dhulku Waa muqadas (Qaybtii 2aad)

Umad kasti waxay leedahay taariikh iyo dhaqan iyada u gaara, kaas oo ay

dhaxal ahaan uga tagto quruumaha ka sii farcama ummadaa iyada ah.

Waxaan shaki ku jirin in waxa keliya ee aynu dhaxal waara uga helay dadka aynu ka soo farcanay uu yahay dhulka aynu ku dhaqanahay, kaas oo weliba ay ilaalintiisa iyo hanashadiisa dhib badani ka soo gaadhay.

Hadaba waxaa inaga muuqda hadii aynu nahay ummada Soomaaliyeed inaynaan marnaba ku fekerin maxaynu madhax ahaan uga tegnaa dhasheena dhowrka qarni ee inaku soo aadan.

Fikradaas oo badi inaka maqan ayaa waxaa kaba soo sokeeya su’aasha ah sidee ayaynu rabnaa inaynu u noolaano,


Cudurada Faafa (Qaybtii labaad)

Maqaalkan ayaanu waxaanu si joogta ah ugaga hadli doonaa cudurada faafa taas oo aanu filayno in akhristuhu wax ku qaato, mararka qaarkoodna waxaanu idiinku soo jeedin , sida aad isaga dawayn karto cudurada qaarkood, marka aadan haysan dawooyin.

Hargabka ama Durayga ayaa akhrtistoow ka mid ah cudurada ugu dhakhsaha badan ee faafa., Dadkii hore marka uu xanuun ku dhaco ayay waxay ku ducaysan jireen ALLOW duray iyo daaf nooga dhig, hase yeeshee duraygii sanadahan danbe soo cuslaa oo mararka qaarkood naftuuba khatar geliyaa.

Waa yaabe sidoo kale ayaa dadka wadankaasi Ingriisku waxay yiraahdaan "durayga hadii aad daawa ka cunto wuxuu ku hayaa 7 casho, hadii aadan dawo ka cunin ee aad u dhegoolaysona wuxuu ku hayaa asbuuc…J !".

Waxaa dhawaan la xidhay macadkii cilmi baadhista ee durayga amaba hargabka kadib markuu furaa mudo ah 120 sanadood oo joogto ah. Waxaa la yiri marka ay bilaabeen cilmi baadhista waxa kaliya oo ay yaqaaneen mid qudha oo virus "bakteriyada keenta cudurada" oo keena hargabka. Waxayna filayeen inay bil ilaa laba bilood dawo u helaan kara fara xashaan cudurkan yar ee dadka ku dhaca, nasiib daro ilaa maanta dawo loo waa.

Sanadkii 1992, ayaa qo’aan lagu gaadhay in la xidho macadkaasi markii ogaadeen in 356 cudur oo wax wadaagaa uu hargabku ka kooban yahay.

Waa yaabe, taasi micnaheedu wuxuu yahay in hargabka maanta kuga dhacaa ay suurto gal tahay inaanu iska daa adiga ee wadanka oo dhan inuusan ku soo noqon boqol sanadood oo iska dhan..

Waxaa dhawaan wadanka Imaaraadka carabta ku dhacay nooc ka mida hargabka , kaas oo dadku la wada yaabay oo markii hore xanuuno kale loo qaatay, iyadoo aanu marnaba lahayn astaamihii hargabka lagu yaqaaney oo dhan. Cilmi baadhis markii lagu sameeyeyse waxaa la ogaaday inuu yahay hargab cusub, kana yimid wadankaa Ruushka oo noocaas caadi ka yahay, Ruushanku ruuxoodu waxay ku dacwoodeen inay arkeen hargabyo cusub oo ay filayaan in dadka faraha badan ee soo booqda gacanka carabtu soo qadeen.

Hargabka jidh xanuun iyo sanka iyo indhaha oo ku roora ka sokow , wuxuu mararka qaarkood keeni karaa boronkiito iyo feedhaha oo dhib u keeno.

Marka aad isku aragto waxaa fiican hadii aad helayso inaad liin cabto, hadii aanay suurto gal ahayna shaaha amaba koofigu waa ay kaa jebiyaan.

Caloosha oo la socodsiiyo iyo inaad ku luq luqato Biyo kulul oo milix lagu qasayba aad ayaa aduunka looga isticmaalaa, weliba Shiinaha iyo Hindiya oo aad ugu xeel dheer cilmiga daweynta dabiiciga ah.

Waxaa haboon in qofku meel dugsoon galo oo uu sika ilaaliyo dabaysha iyo qaboowga.

 

Hadaba akhristoow marka duray kugu dhaco amaba aad arakto qof uu ku dhacay xusuusi talooyinkan yar yar ee aanu kor ku xusnay.

Si aad u takoortid hargabka naftaadana u naso maalinta hore ee uu kugu dhacona ka feeyignow in weel ka wax lagugula cuno.

Hargabka maqaalkiisa halkaas ha inoo joogo, bisha danbe waxaanu ka hadli mid ka mida cudurada faafa ee ka dhaca dalkeena.


Sigaarka iyo Caafimaadka Bulshada

Sigaarka oo dhibaato fara badan u leh aadamiga ayaa dadka cabaa u haystaan ka hadlkiisu inay tahay faduul iyo gardaro cadaana.

Waxaa maalin dhoweyd shaaca laga qaaday in runtii waxyeelada uu sigaarku bani aadamka u leeyahay aad iyo aad loo xaqiray oo loo qariyey, taas oo ay ugu wacan tahay awooda iyo maalka faraha badan ee ay leeyihiin shirkadaha soo saara sigaarka oo ku fadhiya dhaqaalaha aduunka badhkii.

Waxaa intaa dheer in aduunka siiba dawlada maraykanku ay iminka u soo jeensatay dabargooynta cabitaanka sigaarka, kaas oo markii la baadhay la ogaaday dadka caba sigaarku inay u badan yihiin dadka madow.

Intaa waxaa dheer in cudurada wadna xanuunka , dhiiga ku furma maskaxda , kansarka, weliba kan afka , cunaha iyo calooshuba uu u sabab yahay sigaarku.

Waxaa kaloo la sheegay in uu keeno dhalmo la’aan iyo cuduro badan oo caruurta ku dhaca sida asmada iyo xajiinta jidhka oo ilmaha aabihiis sigaarka cabo uu caloosha kala soo baxo.

Xididada dhiiga qaada ayuu aad iyo aad u adkeeyaa baa dhakhaatiirtu cadeeyeen.

Bahda SEPADO, waxay intaas ku dartay wax yeelada uu jeebka iyo anshaxa wanaagsan ee bulshada u leeyahay ayaa iyana aad iyo aad u badan.

Waxaa aduunka oo dhan laga joojinayaa in sigaarka lagu cabo gaadiidka la wadaago oo dhan sida Diyaaradaha, Maraakibta iyo Baabuurta Iwm. Iyadoo in dhoweyda aan sigaarka toos loogu cabi jirin suuqyada ee meelo u gaara sigaarka dadku ugu cabi jireen.

Hadaba akhristow marka danbe ee aad sigaarka shido ka feker caafimaadkaaga iyo kan caruurtaada, deriskaaga iyo saaxiibkaaga kuu dhow oo dhan. 

Back to SEPADO Home Page

Back to Newsletter Page