Make your own free website on Tripod.com


Codka SEPADO

Somalia Environmental Protection and

Anti Desertification Organization

Hay’ada Badbaadinta Bey’ada iyo la daqaalanka lama degaanka Somaaliyeed

Issue 5, OCTOBER, 1996

Wada Hadal Dhex Maray SEPADO & FEA

Waxaa dhowaan Sepado iyo FEA "Federal Environmental Agency" oo ah heyada ka shaqaysa ilaalinta bey’ada ee Imaaraadka Carabta u bilaabmay wada hadal ah iskaashi iyo wax ka wada qabashada dhibta bey’ada caalamka, khaas ahaan dhulka iyo badaha labada wadan ee walaalaha ah.

Qoraal dheer oo ay Sepado soo ban dhigtay ayay ku muujisay sida ay u quman tahay in la helo iskaashi buuxa, taas oo si buuxda looga dooday, layskuna afgartay joojinta ka baayac mushtarka Dhuxusha ka timaada Soomaliya.

FEA oo metelaysa dawlada walaalaha aynu nahay "UAE" waxay balan qaaday inay si dhakhso leh u soo saarayso go’aan joojinaya baayac mushtarka iyo Dhuxusha , Xoolaha dhedig iyo wax allaaliyo wixii lid ku ah waxna yeeli kara bey’ada Somalia.

Waxaa dib loogu balamay Shir amba qaad ah oo dhex mari doona Sepado iyo Fea kaas oo dhacaya badhtamaha bisha November.

Waxaa kaloo akhristoow in mudo ahba u wada socday Sepado iyo hayado kale oo caalami ah wada hadalo iskaashi iyo wax wada qabsi ah. 


Ilaalinta Dhulku Waa muqadas (qaybtii 3aad)

Badaha oo ah qaniimad Illah ku manaystey Ummadiisa aya Illah Mahadiisa Soomalidu ku tahay Hodon. Waxaana laysku raacay in Somaalidu ay tahay dawlada labaad ee ugu xeeb dheer qaarada Afrika.

Iyada oo taasi Jirto ayaan badu u xisaabsanayn umada Soomaaliyeed lamana moodo in ay ka mid tahay hantida dalkeena hooyo.

Dawlada fara badan oo aynu deris nahay ayaan lahayn bad ogna qiimaha ay badu leedahay.

Waxaa hadaba bur burka siyaasadeed ee ka dhacay dalkeenu keenay in akhristoow badaheena la xado oo si naxariis iyo dhaqaale daro ah looga kaluumaysto iyad oo kaluumaysa tadaasi ku xadgudbayaan shuruucda ka yaal badaha aduunka.

Waxaa intaas dheer iyagoo isticmaala habab laga mamnuucay dunida in loo kaluumaysto sida isticmaalida shabaak elektrooniyaad ah oo xaaqa bada gunteeda, baabi’yana degaanka hoose ee bada, kaas oo ku sinaa kumanyaal sanno, ahna hooyga uu kaluunku ku dhaqmo oo xiliyada taranka "dhalmada" uu ugxantiisa dhigo.

Taasina ay keento in noolaha badu ka qaxaan dhulka nasiib kiisu sidaas noqdo, ayna qaadato boqolaal sano oo danbe sidii deegaan badeed danbe u samaysi lahaa.

Hadaba waxaanu dad weynaha ku baraarujin in fiiro gaara loo yeesho wax ka qabadka Deegaanka.


CUDURADA ( Gaasteri amaba Ulcer)

Cudurka gaasteriga la yiraahdo oo ay Soomalidu yaqaanaan Laab Dilaac, ayaa wuxuu ku jiraa cudurada ugu badan ee ay dadka Soomalidu ka cawdaan.

Cudurkaas oo aad iyo aad mararka qaarkood dadka u dhiba ayaa wuxuu reebaa mahadhooyin xun xun hadii aanu helin dawo munaasib ah.

Caloosha oo gaasku ku bato ayaa ugu wacan in qofku dareemo Laab dilaac mararka qaarkoodna nabaro ayaa caloosha ku samaysma dabadeedna waxaa qofku mantagaa dhiig.

Akhristoow, hadaba waxyaabaha keena ayaa waxaa ka mid ah, waxyaabaha halkan hoose ku qoran.

  1. Waxaa ugu horeeya oo ay dhakhaatiirtu isku raacday in cudurka Gaasteriga weliba caa’iladiisa la yiraahdo Alserta "Ulcer" ay keento deganaanshe la’aanta maskaxda.
  2. Taas oo ay micneehdu tahay werwerka faraha badan afka qalaadna lagu yiraahdo "Stress" iyo buuqa uu qofku aad isu dhibo maskax ahaan.
  3. Waa yaabe, Akhristoow, sidee ayaa wer wer iyo feker maskaxeed u keeni karaa calooshoo olosha L !.
  4. Taas micnaheedu wuxuu yahay in maskaxdu ay amarto sii deynta dheecaan "Aysiidhis" fara badan, kuwaasoo lumiya miisaankii caloosha ee dheef shiidka.
  5. Safrada badan , iyo cunada oo aad u kala raagta ayaa iyana keenta cudurkaas.
  6. Cunada dufanka badan oo siistamka dheef shiidku saari waayo ayaa iya keenta.
  7. Taasi aad bay u badan tahay, sababtoo ah waxaa xaqiiq ah in dadka Soomaalidu ay aad iyo aad u xiiseeyaan baruurta , kuwaas oo cunidooda aad iyo aad loo badsado taasoo keenta cuduro iyo khasaare badan. Hase yeeshee waxaa haboon in qofku is dhawro, (Gaasteri ç è Baruurta).
  8. Cuduro amaba bakteeriya qofka ku dhacda ayaa iyana mararka qaarkood keena.
  9. Dawooyin uu qofku xanuuno kale ka cunaayey ayaa iyana mar mar laga qaadaa.

Cudurkaa marka qofku isku arko waxaa haboon inuu iska ilaaliyo dhamaan wax alaaliye wixii dufan fara badan leh oo dhan. Sidoo kale Shaaha faraha badan , Kofiiga iyo waxyaalaha khamiirka leh oo dhan ayaa iyana haboon in layska ilaaliyo.

Waxaa haboon qaadka iyo sigaarkaba in uu qofkaasi reebo, qaadkoo keena dheecaan fara badan inuu caloosha ku dhaco kordhiyana gaasaadka caloosha ayaa qofka halis gelin kara.

 

Waxaa badiba dadka la siiyaa dawooyinka ayku jiraan maadada la yiraahdo "Bebcidiin" oo ay ka mid yihiin amaba ay ugu caan san yihiin labada dawo ee kala ah Zantag iyo Tagament.

Akhristoow Eebe haynaga hayee , hadii uu nabar cudurkaasi noqdo waa khatar waxaana haboon in markaa ama dawo xoog leh uu qofku qaato amaba in markaa qaliin loo sameeyo si loo samato bixiyo qofkaa buka.

Waxyaalaha liinta iyo dhanaanka badan leh ayaa iyana door weyn ka qaata qofka oo uu cudurkani ku sii kaco.

Ugu danbeyn amaba sida caadadu tahay , marka aad xanuun isku aragto ayaa waxaa haboon inaad markaba dhakhtar tago. (Taas duruufta caam ahaan wadankeena haysata ayaa laga yaabaa inaanay inuu saamaxayn waqtigan xaadirka ah).


Dhibaatada Bacdu u leedahay Deegaanka (Bey' ada)

Bacda "Nylon" oo la soo saaray bilawgii qarnigan ayaa waxaa la ogaaday inay dhib iyo khasaare waara u leedahay bey’ada dabiiciga ah ee caalamka.

Birta oo aad iyo aad u adagi waxaa ay dib ugu noqotaa dhulka daxal dartii, hase yeeshee bacda oo aynu kiishashka alaabta lagu qaato iyo wixii la mida ka samaysano ayaa waxaa la ogaaday inaanay marnaba dib ugu noqon dhulka.

Akhristow, miyaanay cajiib ahayn in kiishka yar ee aad alaabta ku qaadataa uu Beyada wax yeeli karo, maxaa hadaba xal ah.

Magaalooyin badan sida New York, Bombay iwm ayaa si toosa looga joojiyay soo saarka iyo isticmaalka kiishashka laga sameeyey bacda.

Waxaa hadaba is weydiin leh, maxaa alaabta yar yar lagu qaadan, Marka kiilo sonkora aad dukaanka ka soo miisato, ma dacalkaad ku shuban, tolow ma buqshad mara ah ayaa la guntan…?.

Waxaa caalamku isku raacay in la bilaabo soo saarka iyo isticmaalka kiishash ka samaysan warqad. Taas oo markeedii hore ahayd warqado hore loo isticmaali jirey oo dib loo rogay ahaana jiray jariidadaha Iwm. Oo dib loo geliyey warshado.

Waxaa hadaba akhristoow xusid mudan in loo fiirsado sida dadweynaha caalamku xil iyo masuuliyad isaga saarayaan wax ka qabadka beya’ada oo ay dadkeenuna dagaal kula jiraan.

Waxaa haboon in qof walba oo akhriya maqaalkan uu noqdo safiir u dooda dhulka,"Ogow dhulka iyo dhirto ma hadlaan, Adigu markaa u hadal oo u noqo qareen". Shiinaha ayaa wuxuu ku maah maahaa "Dhulka adigu ma lihid ee waxaa ku deymiyey caruurtaada" taas oo micnaheedu aad fahmi kartaan.

Waxaa hadaba mararka qaarkood isweydiin leh, Dhulka Soomaaliya miyaynaan inaku lahayn, ma cid kale baa leh oo aynu ka boobaynaa…………?.

Dhulka oo aan la dhawrini wuxuu ku danbayn sida ka muuqata suuradan.

Go Back to SEPADO Home Page

Go Back to Newsletter Page